25.9 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Xog: Wasiir ka tirsan xukumada Kheyre oo dhawaan xilkiisa iska casili doona

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ilo ku dhaw dhaw Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa noo sheegay in uu sii xoogeysanaayo khilaaf u dhaxeeya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaare Kheyrre.

Saraakiil aan la hadalnay ayaa sheegay in uu ra’iisal wasaaraha culees xoog leh uu dul dhigay wasiirka Maaliyadda taas oo ku saabsan dhinaca maaliyadda iyo Arimo kale.

Wasiir Bayle ayaa ka cabanaya culays xoog leh oo uu saaray Raisal wasaare Khayre, kadib markii uu kala daadiyey raisalwasaaruhu qorshihii la dagaalanka musuq maasuqa, ayna xafiiska wasiirka soo gaareen amaro badan oo faraya in uu cashuur dhaaf u sameeyo ganacsato u dhow raisal wasaaraha, amaradaas oo ka yimid raisalwasaaraha.

Wasiir Bayle ayaa go’aansaday in uu iska casilo xilka, waxana uu ku war galiyey Raisal wasaaraha iyo madaxweynaha, waxaana aad uga soo horjeestay madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa ku qanciyey Bayle in uu xilka sii hayo arinta la xalin doon, ayna jiraan wasiiro kale oo cabasho tan la mid ah ka soo gudbiyey Raisal Wasaaraha.

Arintaan ayaa la sheegay in ay dhax taalo xiligaan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya waxaana la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Soomaaliya oo arintaan ku saabsan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News