27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Erdogan oo ku dhowaaqay shir muhiim ah iyo laba hogaamiye oo la iska horkeenayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa weli ku guda jira socdaalka xal u raadinta xiisada ka dhex aloosan wadamada Khaliijka.

Erdogan ayaa xooga saaraya sidii lagu soo gabagabeyn lahaa xiisada Khaliijka oo iminka u muuqata mid sii xoogeysaneysa.

Erdogan ayaa la soo kulmay Hogaamiyeyaasha dalalka Kuwait iyo Sacuudiga, waxaana uu u bandhigay in dhex dhexaadin toos ah laga sameeyo khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka.

Erdogan ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay ku howlan tahay qabashada shir gaara oo loo qabanaayo Hogaamiyayaasha Qadar iyo Sacuudiga kaa oo lagu wada hadashiin doona.

Erdogan waxa uu sheegay in dowlada Turkiga aysan dano gaara ka laheyn wada hadashiinta labada Hogamiye, balse ay ahmiyad gaara u aragto inay soo afjarto Khilaafka.

Mevlut Cavusoglu oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa dhankiisa ka sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay u qaban lahaayeen shir la isugu keenayo Hoggaamiyeyaasha Qatar iyo Sacuudiga.

Mevlut Cavusoglu, waxa uu tilmaamay in Hogaamiyayaasha labada dal ay kala hadleen aqbalaada shirka balse ay rajeenayaan inay ka helaan raali ahaanshiyo ku aadan is agaraga labada Hogaamiye.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Turkiga ayaa lagu tilmaamaa inay tahay mid si toosa u garabtaagan dowlada Qadar oo iyadu culeys ba’an kala kulmeysa dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahreyn.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News