29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Ficillada Imaaradka ee kadib weerarkii Soomaalida Yemen oo caddeyn u ah hal arrin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay ka soo saartay cidda dishay 42 Soomaali ah oo ciidamada Sacuudiga iyo xulafadiisa ku dileen xeebaha dalka Yemen ku sheegay in dalka Imaaraadka carabta uu ku guul-dareystay kaalmeynta qaxootiga la dilay kadib markii uu ogaadeen in ay rayid yihiin.

Warbixinta waxaa ay wax lala yaabo ku tilmaantay in Ciidamada Imaaraadka markii ay ogaadeen dadka duqeynta ku dhintay yihiin rayid sababta ay ugu gurman weysay, waxaana xulufada lagu eedeeyay in ay dileen dadkaasi Soomaalida qaxootiga ah.

“Imaaraadka oo goobta ka ag dhawaa, waxaa ay caawin kareen dadka dhaawaca ah, laakin guddiga baaritaanka sameeyay waxaa ay sheegeen in Imaaraadka aaney waxba sameyn, gacmanaha ka qabsadeen, waxaa intaa dheer waxaa ay diideen xitaa in ay sheegaan cidda dilka geysatay iyaga oo og arrinkaas.

Ficillada Imaaraadka iyo eegashadodoa dad ay ayaga dhaawaceen oo gargaar u baahan, ayaa astaan u ah cadaawadda ku jirta heerka ay la eg tahay iyo in Carabta marka ay danta leeyihiin Soomaaliya soo radsada, aysan marnaba walaal iyo saaxiib u noqon karin Soomaalida.

Xulafada uu Sacuudiga hogaaminaayo, weli ma qiran dilka, waxaana qoraalka qaramada midoobey lagu sheegay in ay doonayaan in la qariyo.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News