Cadaado (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu socdo diyaarinta Mooshin kadhan ah Hogaamiye ku-xigeenka maamulka.
Xildhibaanada Mooshinka kawada Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, ayaa sheegay in Mooshinka uu yahay mid ay ku mideysan yihiin kalabar Xildhibaanada maamulka.
Xildhibaanada ayaa Maxamed Xaashi Carabey ku eedeeyay shaqo xumi iyo u kala eexashada labada Gole, iyadoo ay jiraan Xildhibaano uu kula dhaqmay dhaqan laga wanaagsan yahay.
Xildhibaanada ugu badan ee Mooshinka wada ayaa kasoo jeeda waqooyiga Galgadud, kuwaasoo aaminsan inuu gabay qeybtii uu maamulka Galmudug ku matalo deegaanadooda.
Sidoo kale, Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, ayaa ku eedeysan inaanu la tashiyo la sameyn Xildhibaanada kasoo jeeda waqooyiga Galgadud.
Carabeey ayaa ku socda wadadii uu ku baxay Hogaamiyaha maamulka Galmudug C/kariin Guuled oo isagu xilkiisa kuwaayay Mooshin laga diyaariyay.
Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa jawi mashquul badan oo lagu diyaarinaayo Mooshinka ka dhanka ah Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]