Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Qaraxa ayaa dhacay, xilli wadada mashquul aheyd, gaarigana uu marayay wadada, agagaarka Saldhiga Degmada Waaberi.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa kasoo baxaaya warar kala duwan, waxaana kordhay Khasaaraha dhimasho oo markii hore la sheegay inuu ahaa mid yar.
Khasaaraha dhimasho ayaa hadda gaaray 12 qof, sida laga soo xigtay Saraakiisha Caafimaadka oo iyagu tiro koob dheeri ah kasoo saaray Khasaaraha dhimasho.
Dhaawaca ka dhashay Qaraxa ayaa sidoo kale iminka gaaray 17 ruux oo gabi ahaan ay ahaayen dad shacab ah oo xiligaa ku howlanaa baadi-goobka qutulyoomkooda.
Tirada dhimashada ayaa waxaa sii kordhiyay saddex qof oo goobaha caafimaadka ugu geeriyootay dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxa.
Waxaa jira burbur qaraxaasi ka soo gaaray goobo ganacsi iyo baabuur mareysay wadada, xilligii uu qaraxu dhacaayay.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]