Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka digay in Golaha Wasiirada cusub ee maamulkiisa ay ku midab noqdaan kuwa lagu sifeeyo Musuqa.
Hogaamiyaha ayaa sheegay in Wasiir weliba uu ula xisaabtami doono si gaar ahaaneed iyo si guud, waxa uuna ku caga jugleeyay in Wasiirkii ka adkaan waaya howlihiisa shaqo uu xilka weyn doono.
Shariif Xasan waxa uu tilmaamay in Wasiir weliba loo magacaabay ujeedo, haddii uu kasoo bixi waayana uu weyn doono xilka uu u hayo shacabka Koonfur Galbeed.
”Waxaa la doonayaa in Wasiir weliba uu is weydiiyo sababta xilka loogu magacaabay cidii dooneysa inuu iska hayo xilka waxa uu weyn doonaa xilka”
Hogaamiyaha maamulka waxa uu sidoo kale cadeeyay in qorshaha maamulkiisa uu yahay in la hormariyo Wasaaradaha, taana lagu gaari karo keliya howlwanaaga Wasiirada.
Dhinaca kale, Shariif Xasan waxa uu ballanqaaday in dhankiisa uu si wanaagsan kala shaqeyn doono Wasiirada maamulka ee kusoo baxay isku shaandheynta.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

