Muq dishho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa waxay diiday wadahadalka u xiran sharuudaha, kaasi oo ay u soo gudbiyeen dowladaha Qatar u jaray xiriirka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar, Maxamed Binu Cabdi Raxmaan Aala Thaani, ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisa uu diiday liis sharuudo ah oo ay u soo gubiyeen dowladaha carbeed oo xiriirka u jaray Qatar, waxaa uuna arrintaasi ku sheegay in ay meel ka dhac ku tahay qawaaniinta caalamiga ah.
Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa waxay muujiyeen in wadahadalka Qatar uu ku xiranyahay in ay ka soo jawaabto liiskii sharuudaha ahaa ee ay ugud biyeen marka ay bilaabatay dhibaadata Khaliijka.
Dhanka kale wasiirada arrimaha dibadda ee dowladaha xiriirka u jaray Qatar oo shalay shirk ku qabtay Baxreyn ayaa waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin wadahadal shardiyeysan oo ay lagalaan Dooxa, kaasi oo ah in si dhab ah loola dagaallamo argigixisada iyo in la joojiyo maalgalintooda.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

