26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Kenya oo shaacisay sida uu u dhacay dilka sarkaalkii ka tirsanaa guddiga doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dilka Chris Msando oo ahaa Madaxa qaybta codaynta kombuyuutarka ee loogu codayn doono habka casriga ah ee elektaroonik-ga.

Eric Kiraithe oo ah Afhayeen u hadlay dowlada Kenya ayaa sheegay in dilka Mr Chris Msando uu ahaa mid loo adeegsaday ceeji.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladu ay baaritaan saacado qaatay ku sameysay Meydka Chris Msando, waxa uuna tilmaamay in gudaha jirkiisa laga helay dhaawacyo.

Afhayeenka waxa uu sheegay in dilka Chris Msando loo qabtay shaqsiyaad kasoo horjeeda dowlada, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in mas’uulka loo geystay dil fool-xun.

Baaritaanka qaliinka ah ee lagu sameeyay meydka sarkaal ka tirsanaa gudida doorashooyinka Kenya ayaa waxaa oogada jirkiisa laga helay jir dil loo geystay.

Dhakhtarkii qaliinka sameeyey ayaa sheegay in meydka Chris Msando ay nabarro waaweyni kaga yaalleen dhabarka iyo gacmaha.

Waxa ay sidoo kale dowladu sheegtay in Meydkiisa laga helay meel kayn ah isagoo ag yaal meydka qof dumar ah dabayaaqadii todobaadkii hore.

Geesta kale, dowladaha Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilkaa, waxaanay ku baaqeen doorashooyin xor iyo xalaal ah oo nabadgelyo ku dhacda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News