31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Guddoomiye Jawaari oo markiisa lagu dhegan yahay loona sheegay inuu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu eedeeyay inuu caqabad ku yahay sii wadida howlaha horyaal baarlamaanka.

Daahir Cirro oo ka mid ahaa Xildhibaanadii baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay in Guddoomiyaha uu ka meer meeraayo hirgalinta sharciyo iyo howlo badan oo horyaal baarlamaanka.

Waxa uu Mr Daahir Cirro sheegay in Madaxda dalka looga fadhiyo dhismaha Maxkamad dastuur ah balse uu taasi ka soo horjeedo Guddoomiye Jawaari, sida uu hadalka u dhigay mar uu la hadlaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho.

Jawaari ayuu sheegay inuusan daacad u aheyn shaqada uu u hayo Qaranka, waxa uuna Xildhibaanada ugu baaqay inay iska hor wareejiyaan si looga sii shaqeeyo danaha dalka.

Waxa uu Xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqay inay cadaadiyan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo laga shaqeynaayo dhameystirka howlaha horyaal baarlamaanka.

Sidoo kale, Daahir Cirro ayaa Xildhibaanada baarlamaanka ku booriyay in arintan ay xooga saaran intii ay ku mashquuli la haayeen mooshin ka dhan ah Wasiirka Wasaarada Dastuurta Somalia, C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in laga gudbo waxyaabaha sharafka Xildhibaanada ku dheeli kara sida Mooshin, Buuq iyo hagardaamo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News