25.6 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Faahfaahin ku saabsan qaraxyo lagu laayey ciidamada Ethiopia iyo kuwa maamulka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimadda Online) – Qaraxyo 7 Askari looga Dilay Maamulka Koonfur Galbeed iyo Itoobiya Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara xooggan dhaliyay lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah xilli ay ku socdaalayeen duleedka magaalada Baydhabo.

Qaraxa koowaad ayaa haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamo katirsan Itoobiya kuwaas oo kasoo amba baxay degmada Waajid ee gobolka Bakool kunasii jeeday magaalada Baydhabo.

Wariye ku sugan Gobolka Bay ayaa sheegay in gaariga uu qaraxu haleelay gabi ahaantiisba uu burburay waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii saarnaa, dhimashada ciidamada Itoobiya  ayaa lagu sheegay in ay gaartay sedax Askari iyo dhaawaco tobaneeyo kale.

Dhinaca kale qarax ka dhacay gudaha deegaanka Goofguduud Buuray waxaa ku dhintay 4 Askari oo katirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamada oo watay Moota Bajaaj ay miino kula kacday gudaha Goofguduud mana jirin wax ka badbaaday qaraxa qabsaday Moota Bajaajta.

Ciidamada  Itoobiya oo Afar maalmood ka hor kasoo dhaqaaqay degmada Waajid ayaa inta ay wadada kujiraan waxay la kulmeen laba weerar oo looga dilay 7 askari islamarkaana 2 gaari looga gubay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News