Maxaad kala socotaa qaabka kediska ah ee xilka looga qaaday gudoomiyihii baarlamanka Hirshabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa shaaca ka qaaday inay xilka ka qaaden Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Sheekh Cismaan Maxamed Barre.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Sheekh Cismaan Maxamed Barre, uu la mid yahay Hogaamiyihii maamulka Cosoble oo laba maalin un ka hor xilka laga qaaday xili lagu eedeeyay shaqo gudasho la’aan joogto noqotay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Sheekh Cismaan Maxamed Barre, oo ka hadlay xil ka qaadistiisa ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadis ay sheegeen inay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Sheekh Cismaan Maxamed Barre, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa wuxuu sheegay in Warbaahinta uu ka maqlay Xildhibaano sheegaya inay xilkii ka qaadeen.

Waxa uu sheegay inaanu garaneynin sababta looga qaaday xilka, maadaama uu taageeray talaabada xilka looga xayuubiyay Cosoble.

Waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay garab istaaga Hogaamiyaha xilka laga qaaday, kadib markii uu Jowhar u gaaray inuu Xildhibaanada kala hadlo xil ka qaadista Cosoble, hayeeshee isaga ayaa xilkiisa kuwaayay.

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyay suuragalnimada inuu la fadhiisto Xildhibaanada ayuu sheegay in maanta uu qorsheynaayo inuu la kulmo Xildhibaanada isla markaana uu kala hadlo arrimaha la xiriira Doorashada Hogaamiyaha Hirshabeelle iyo sidii loo sameyn lahaa Guddiga Doorashada.

Sidoo kale, Sheekh Cismaan Maxamed Barre, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa xaqiijiyay inaan sifo sharci ah looga qaadin xilka, balse uu hortagi doono Xildhibaanada.

Dhinaca kale, Xildhibaano sheegay in ay kulan ku yeesheen xarunta Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ayaa kulankooda waxaa soo xaadirtay 54 xildhibaan, waxaa ogolaatay in Sheekh Cusmaan xilka laga qaado 52, halka midna uu diiday, midka kalena uu ka aamusay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com