Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf, ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Ahlusuna waljameeca ay dhibaatooyin badan ku hayaan maamulka Galmudug.
Xaaf waxa uu sheegay Ahlusuna in ay u dhisan tahay inay dhibaateyso jiritaanka maamulka Galmudug, waxa uuna ku baaqay inay cadeeyan hadafkooda.
Axmed Geelle Ducaalle waxa uu sheegay in maamulka Ahlsuunna laga doonaayo in ay soo raacaan maamulka Galmudug, maadaama uu sheegay in dhibaato culus ay heysato dadka kunool degaanada maamulkaasi ay gacanta ku hayaan.
Waxa uu Xaaf cadeeyay inay ka dhaqaaqi la’ yihiin Ahlusuna oo uu sheegay inay dhabar jabineyso hanaanka horumarineed ee Galmudug.
Waxa uu intaa ku daray in dhibaatooyin kala duwan ay ku hayaan dadka ku nool deegaanadooda, waxa uuna ku baaqay in ay kusoo daraan maamulka Galmudug oo ah midka Sharciga ee Gobolada Dhexe ka jira.
Xaaf waxa uu ku baaqay in Ahlusun ay qaatan nabada isla markaana dadkooda ay dhinac ka raacaan dhibaatadana ka daayaan sida uu hadalka u dhigay.
Haddalka Xaaf ayaa imaanaya xili maamulka uu ku guuldareystay xalinta tabashooyinka maamulka Ahlusuna oo ka gadoodsan Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

