Sawir: Maxbuus ay DF kala soo wareegi laheyd India oo xabsiga ku dhex geeriyooday

Nairobo (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed uu ku dhex geeriyooday Xabsi weyn oo ku yaalla dalka India.

Muxbuuskan ayaa la sheegay in maalmahaani uu ahaa mid ku dhex xanuunsanaa Xabsiga, isla markaana geeridiisu ay tahay mid la xiriirta daryeel la’aan.

Maxbuuskan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jaliil Bashiir Barre, ayaa dowlada India ugu xirnaa eedeymo la xiriira inuu kamid ahaa burcad-badeeda Soomaalida.

Maxbuuskan ayaa sidoo kale horay u qabay cudurka loo yaqaan Sonkorta iyo sidoo kale tiibeyda, waxa ayna Saraakiisha Xabsiga dhowr jeer ka biya diideen inay u qaadan dawo, kadib markii uu codsiyo kala duwan u gudbiyay.

Mid kamid ah maxaabiistii la xirneyd Cabdi Jaliil Bashiir Barre ayaa yiri ”Allaha u naxariisto Cabdi Jaliil, wuxuu ahaa nin wanaagsan oo saaxiibkeen ah oo xabsiga nagula jiray maalmahan dhan wuu xanuunsanaa, daryeel la’aan ayuu u dhintay iyo in xil la iska saari waayay xaaladiisa caafimaad”.

Docda kale, dowlada Somalia ayaan weli ka hadal geerida marxuumkan, xili ay bishaani ku guda jirtay lasoo wareegida Maxaabiista.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com