Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka Hadda naga soo gaaray Magaalada Afgooye ayaa sheegayo inuu halkaas ka qarxay dagaal aad u culus oo u dhaxeeyoo Beelaha Habargidir iyo Murusade.
Dagaalka oo ah midkii ugu cuslaa oo dhawaanahaan ka dhaco Afgooye ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo laba ciidan oo beelahaas kasoo kala jeedo.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu imaaday kadib markii Beesha Habargidir ay sheegtay in Beesha Murusade ay ka dambeyso Duqeyntii bariire ka dhacday ee lagu dilay 11 qof oo la sheegay inay kasoo jeedeen Habargidir.
Dagaalka ayaa bilowday markii ay ciidamo ka tirsan Beesha Murusade rasaas ku fureyn dad ku banaanbaxayey Afgooye oo ka careysnaa duqeyntii dadka lagu laayey, waxayna midaas keentay inay Ciidamadii Habargidir gees u baxaan isla markaasna uu sidaas dagaalka ku bilowday.
Odayaal ka tirsan Habrgidir ayaa Beesha Murusade ku eedeeyey inay ka dambeysay duqeyntii ay diyaaradaha Mareykanka ku dileyn dadkaas isla markaasna ay iyaga hagayeen, maadaama ninka Mareykan ka xogta siiyey uu beeshaas kasoo jeedo.
Wararka waxaa sheegayaan in la dagaalka la isku adeegsanayo hubka culus iyo midka fudud.
Labada ciidan ayaa markii hore ku sugnaa Afgooye, waxayna hadda u kala baxeyn laba qeyb.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhasha Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.