Weeraro isku muuqaal eg oo caawa ka kala dhacay London iyo Brussels: Sawirro

London (Caasimadda Online)– Weeraro isku mid ah qaabka ay u dhaceen ayaa ka kala dhacay magaalooyinka London iyo Brussels, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka koowaad oo ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa bartamaha magaalada nin ku hubeysnaa mindi ama tooreey uu weerar ku qaaday labo askari oo booliska ka tirsan dhaawacyana u geystay, waxaana isla goobta lagu toogtay ninka weerarka soo qaaday oo u dhintay dhaawac soo gaaray.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu ku dhawaaqayay “Allahu Akbar”, inkastoo booliska aysan weli weerarkaan ku tilmaamin inuu ahaa mid argagixiso wallow uu u muuqday.

Dhanka kale weerar noocaan aan waxba kaga duwaneyn ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta boqortooyada ee Buckingham Palace kadib markii la dhaawacay labo ka mid ah ciidamada booliska.

Dhanka kale laamaha ammaanka ee magaalada London ee dalka Britain ayaa xiray nin labo boolis ah ku dhaawacay afaafka hore ee xarunta boqortooda ee Buckingham Palace.

Ninkaani oo ku hubeysnaa tooreey ayaa booliska bartilmaameedaday, waxaana dhaawaca uu u geystay labada askari ahaayeen kuwo fudud oo aan u baahan in loo qaado goobaha caafimaadka.

Weeraradaan isu muuqaal eg ayaa kusoo beegmay xili isku mid ah oo u dhaxeysay mudo graban.