Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa digniin kasoo saaray faragalin la sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo maamulka Puntland ku hayaan maamulka.
Maamulka ayaa sheegay inay sii kordheyso faragalinta ay dowlada Somalia ku heyso maamulka Somaliland, iyadoo la adeegsanaayo mamulka Puntland.
Sacad Cali Shire, Wasiirka arrimaha dibada Maamulka Somaliland oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay ka digayaan faragalinta dowlada iyo maamulka Puntland.
Waxa uu sheegay Wasiirka in dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland ay iska kaashanayaan rabshado uu sheegay in laga wado magaalada Buuhoodle.
Dowlada Federaalka ayuu tilmaamay in maamulka Puntland ay garab kusiineyso xasarad kadhacda magaalada Buuhoodle, iyadoo la adeegsanaayo shaqsiyaad u jajaban labada dhinac.
Isagoo arrinkaasi ka hadlaayay ayuu yiri ”Adduunku waxaan u cadeyneynaa in dhibaato weliba oo ka dhaca deegaanada Buuhoodle ay mas’uul ka tahay dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland”
”Waxaan xaqiijineynaa inay jiraan faragalin maamulka uga imaaneysa dhanka dowlada iyo maamulka Puntland, haddii aan wax laga bedelin arrinkaa waxaanu ka bixin doonaa Jawaab”
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabooyin lid ku ah dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland, waa haddii aanu wax laga bedelin faragalinta socta.
Haddalka Sacad Cali Shire, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay ka gaabineyso faragalinta amuuraha khuseeya maamulka Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

