25.5 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Maxaa looga hadlayaa shirka khuseeya arrimaha badda ee Somalia uga furmay Jabuuti

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si toosa dalka Jabuuti uga furmay shirka gaarka ah ee looga hadlaayo ilaalinta baddaha Somalia.

Shirka oo ahmiyad gaara u leh dowlada Somalia ayaa waxaa ka qeybgalaaya Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada iyo maamul Goboleedyada dalka.

Shirka ayaa culeyska lagu saarayaa sida loo hakin lahaa xadgudubyada lagu hayo badda Somalia, ilaalinta kheyraadka iyo in badda Somalia ay hesho ciidamo tayo leh.

Xildhibaanada ka qeybgalaaya shirka ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay in shirka uu yahay mid fursad gaara siinaaya dowlada Somalia.

Dalxa waxa uu sheegay in ahmiyada ugu weyn ee shirka uu yahay ilaalinta kheyraadka ku jira Badda Soomaaliya.

Dalxa waxa uu sheegay in shirka socda uu xal u noqon doono Maraakiibta shisheeye ee dhibaatada badan ku haya biyaha Somalia.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro qodobo ku aadan sida ugu wanaagsan ee loo ilaalinkaro badda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka ayaa waxaa jiheyneysa dowlada Jabuuti, waxa uuna socon doonaa muddo kooban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News