27 C
Mogadishu
Tuesday, July 15, 2025

DF oo wada qorsho dalka looga saaraayo shaqaalaha ajaaniibta ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay bilaabi doonto qorsho lagu shaqaaleysiinayo dhalinyarada aqoonta u leh howlaha ay iminka dalka ka hayaan dadka Ajaaniibta.

Xukuumadu waxa ay sheegtay inay sii kordhayaan Ajaaniibta ku sugan dalka ee gacanta kula jira shaqooyinka ay qabankaraan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha XFS Cabdi Saalax Carman oo arrintaan ka hadlaayay ayaa sheegay inaanu dhici doonin in shaqo uu qabankaro muwaadin Soomaaliyeed uu qabto ruux Ajnabi ah.

Waxa uu Wasiir ku-xigeenka tilmaamay in Shaqaleysiinta ugu horeysa laga bilaabi doono magaalada Muqdisho oo kulmisa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna farta ku goday in talaabadaasi ay la kaashan doonaan shirkadaha Gaarka loo leeyahay,maadaama wasaaradu aysan awood u laheyn in ay dad Shaqaaleysiiso.

Wasiir ku-xigeenka waxa uu intaa raaciyay in qorshahaani ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan Wasaaradaha kale ee Xukuumada maadaama tanka dhalinyarada uu yahay mid aad u badan.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada qaar ayaa waxaa ka howlgala Hay’ado iyo shaqaale Ajaaniib ah kuwaa oo gacanta kula jira dhammaan howlihii loogu tallo galay inay qabtaan dadka shacabka ah.

Ma cadda sida ay Wasaaradu ku dhaqan galin doonto go’aanka dhalinyarada loogu wareejin doono shaqooyinka ay hayaan dadka Ajaaniibta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News