Muqdisho (Caasimada Online) – Jabhadda ONLF ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dowladda Ethiopia u gacan gelisay sarkaal ka tirsanaa ururkaas oo lagu magacaabo Cabdikarin Sheekh Muuse.
Qoraal kooban oo ay baahisay Jabhada ayaa waxaa lagu sheegay in dhiibitaanka Cabdikarin Sheekh Muuse ay ka danbeysay dowlada Somalia, kadib wadahadal ay la galeen Saraakiil ka soctay Ethiopia.
Qoraalka Jabhada ONLF waxaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay in dowlada Somalia ay ka weecato xeerka caalamka iyo kan Soomaalida, isla markaana muwaadinkaasi uu xaq u leeyahay inuu ciso ugu noolaado dalkiisa.
Waxaa lagu sheegay in Cabdikarin Sheekh Muuse ”Qalbi Dhagax”, uu muddo 3 sano ah degnaa magaalada Muqdisho balse uu u tegey magaalada Gaalkacyo in uu magaalada Muqdisho keeno wiil ku xanuunsanayay Gaalkacyo kaasoo uu adeer u ahaa.
Nuqul kamid ah ahaa qoraalka ayaa waxaa lagu yiri ”Madaxweynaha, Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Ethiopia ayaa ka shaqeeyay qorshaha lagu soo qabtay isla markaana Sargaalka loogu gacan geliyay dowlada Ethiopia ”Qalbi Dhagax”.
Sidoo kale, Jabhada waxa ay sheegtay in dowlada Somalia ay meelo khaldan ka raadineyso xiriirka adduunka, balse ay si cad uga weecatay xeerka adduunka waxna laga weydiin doono Madaxda ugu sareysa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

