27.9 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Qorshe yaab leh oo la rabo in lagu qoro dhallin-yarada laga shaqaaleynayo Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa ka digay in dowlada Federaalka ah ee Somalia hanaan 4.5 u xaliso qorista shaqaalaha cusub ee uu qaadanaayo maamulka Gobolka Banaadir.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada dhexe laga doonaayo inay fasaxdo hanaanka qorista shaqaalaha cusub ee uu qaadanaayo maamulka, iyadoo aan loo eegeynin qabiil.

Waxa uu Xildhibaan Xuseen sheegay in dowlada dhexe laga doonaayo keliya in dhalinyarada shaqo doonka ah ku kala xusho hanaan aqoon, maadaama ay dhibaatooyin kala duwan dhalisay 4.5.

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud, waxa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay ka dhalan doonaan haddii qorista lagu saleeyo hanaan qabiil.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa xukuumadda ugu baaqay inay hagaajiso shaqo siinta dhallinyarada oo siyaasad cad ay la timaado.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadani ayuu sheegay inay tahay mid tusaale u noqon doonta Xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadirba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News