Xog: Fadeexad ka taagan diiwaan-gelinta ciidamada uu Turkiga ku tababarayo Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo idlaaday diiwaan galinta dhalinyarada loo diyaarinaayo tababarada ka furmi doona Xerada ay dhawaan dowlada Turkiga ka dhistay duleedka magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada ilaa iyo hadda la diiwaan galiyay ayaa la xaqiijiyay inay gaarayaan 1,200 kuwaa oo uu qorshuhu ahaa in la mariyo imtixaan lagu kala saarayo.

Qaar kamid ah Saraakiisha militeriga ee loo xilsaaray diiwaan galinta ayaa la sheegay inay si qarsoodi ah u gudbiyeen 100 dhalinyaro oo aan marin imtixaankii loogu tallo galay.

Saraakiisha diiwaan galinta ayaa dhalinyaradaasi ka iibsaday kamid noqoshada ciidamada cusub, hase ahaatee waxaa baaritaano dheer kadib la xaqiijiyay inaan la qaadin wax imtixaan ah, isla markaana dhalinyarada laga soo dhexsaaray 1,200 laga qaatay dhaqaale xoogan.

Warar hoose ayaa sheegaya in Saraakiisha dowlada Turkiga ee khuseeya bixinta tababarada ay diideen dhammaan 100-kii ruux ee laga qaatay dhaqaalaha, kadib markii lagu wargaliyay musuqa ay ku kaceen Saraakiisha diiwaan galinta waday.

Saraakiisha diiwaan galinta ayaa laga dalbaday inay wareejiyaan liiska dhammaan dhalinyarada la diiwaan galiyay, waxaana sidoo kale lagu wargaliyay dhalinyarada inay u diyaar garooban Imtixaan ay qaadi doonaan Saraakiisha Turkida.

Dowlada Somalia ayaan weli ka hadal musuqa lagu kala soocaayo dhalinyarada isku diiwaan galisay kamid noqoshada ciidamada cusub ee lagu tababari doono xerada ay dowlada Turkiga ka furtay duleedka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com