Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa la sheegay inay ku gacanseyrtay lacag dhan 81 milyan oo dollarka Mareykanka ah, taa oo ay usoo bandhigeen dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta.
Dowlada Somalia ayaa qaadashada lacagtaasi ku gacanseyrtay kadib markii lagu xujeeyay inay xiriirka diplumaasiyadeed u jarto dowlada Qadar oo ay dhinac uga soo wada jeesteen dowladaha Khaliijka.
Qoraal kusoo baxay wargeyska Gulf Times ayaa lagu cadeeyay in dowlada Somalia ay ku gacanseyrtay lacagtaasi, iyadoo sababta lagu sheegay xiriirka Somalia kala dhexeeya dowladaha carabta oo wanaagsan.
Waxaa qoraalka wargeyska lagu sheegay in dowlada Somalia ay maciin biday inay dhex dhexaad ka noqoto xiisada Khaliijka, taa oo soo dadajisay in xulafada sacuudiga ay kabiya diidan bixinta dhaqaalaha.
Dowlada Somalia oo weli la kulmeysa cadaadis xoogan ayaa la sheegay inay ku taagan tahay mowqifkii ahaa dhex dhexaadnimo, taa oo caqabad Siyaasadeed u abuurtay.
Dowlada Somalia ayaa la sheegay in Siyaasad ahaan ay aad ugu dhowdahay dowlada Qadar oo xiligaani dhexda kaga jirta mowjado cakiran.
Madaxweynaha Somalia waxa uu la barbar noqday Dowladda Qatar, oo la rumeysan yahay inay garab istaagtay Farmaajo xiligii lagu guda jiray doorashada uu iminka kusoo baxay.
Somalia waxay xiriir wanaagsan la leedahay dalka Qatar oo ay colaadinayaan Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn, waxaana jira dowlado dhowr ah oo loo soo adeegsaday si ay ugu biirto xiisada Khaliijka, hase ahaatee waxaa arrintaasi ku gacanseeray dowlada Somalia.
Sidoo kale, wargeyska Gulf Times waxa uu Warbixintiisa ku muujiyey in Tallaabadda ay Somalia samaynayso itaal darro ku tahay cunqabataynta ay Isbahaysiga Sacuudiga ku soo rogeen dalka Qatar bishii June ee la soo dhaafay.
Dhinaca kale, xiisadda ayaa weli u muuqata mid kacsan, iyadoo Dowladda Imaaraadka doonayso inay galaangal badan ku yeelato Maamul gobaleedyadda Puntland iyo Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

