Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Umadda Soomaaliyeed ay ku jahwareersan tahay xariga iyo dhiibida Sargaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Idiris.
Sheekh Maxamed Idiris oo kamid ah culimada ugu caansan dalka ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu si iskiis ah isu soo dhiibay, oo aan khasab loogu wareejin Dowladda Ethiopia.
Sheekh Maxamed Idiris, waxa uu sheegay in laga wanaagsan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku degdegaan wax aysan la socon, isla markaana laga doonaayo in ficilkooda ka hor ay ogaadan xaqiiqda dhabta ah, ka hor inta aysan sheegin wax aysan la socon.
Sheekh Maxamed Idiriis, waxa uu cadeeyay in jahwareerka ka taagan dhacdadaani aawgeed uu xiriir la sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan DFS si uu waxbadan u ogaado arrinta Qalbi Dhagax.
Waxa uu tilmaamay inuu xaqiiqsaday in Qalbi Dhagax uu iskiisa isugu dhiibay Ethiopia, isla markaana uu doonayo in wada hadalo uu la furo Dowladda Ethiopia, Dowladda Somaliyana ay noqotay middii labada dhinac isu keentay uun.