27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo shaqada ka eryay 18-Garsoore (Yaa kamid ah)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahin Iidle Saleebaan, ayaa waxaa shaqada looga joojiyay 18 Garsoore oo ka tirsan Hay’addaha Garsoorka dalka.

Garsoorayaasha laga joojiyay shaqada ayaa ka howlgala maxkamado ku yaal Magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen xeerka Maxkamada.

Garsoorayaasha shaqada laga joojiyay ayaa u badan kuwo la jaanqaaday sanadihii danbo kuwaa oo la sheegay in baaritaano wakhti qaatay kadib lagu helay kiisas dhaawacay shaqooyinkii ay u hayeen shacabka.

Garsoorayaasha laga joojiyay shaqda ayaa waxaa kamid ahaa 6 Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa, kuwaa oo maanta waayay shaqadii ay u hayeen Qaranka.

Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ay kale yihiin:

1-Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir.

2-Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Garsoorayaasha shaqada laga joojiyay ayaa waxaa ku jira 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Waxaa sidoo kale kamid ahaa Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ayaa sheegay inay laali doonaan dhammaan Garsoorayaasha ku sifoobay cadaalad darida ay ka cabanayaan dadka shacabka ah.

Dhinaca kale, shaqo ka joojinta Garsoorayaasha ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan uu Madaxweynaha Somalia ka dhawaajiyay inaysan u dulqaadan doonin cadaalad daro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News