Madaxweyne Farmaajo & Sheekh Shariif oo goordhow wada kulmaaya (Ujeedka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa goordhow magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole, Saraakiil iyo Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlada.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka imaaday magaalada Nairobi oo uu dhowr cisho ka hor uu gaaray, waxaana lagu wadaa inuu saldhigto magaalada Muqdisho.

Warar hoose oo aan hadda helnay ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay saacadaha soo socda wada kulmi doonaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin.

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si gaara uga wada hadli doona siyaasado hoose oo ku qotoma dhinaca dowlada iyo kacdoono hoose oo ifbaxaaya.

Waxa ay sidoo kale isla soo qaadi doonaan xal u helida tashwiish Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre kala dhexeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo bilahaani ku xirtay Xildhibaanada Mooshinada diyaariya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa kaalin weyn ka qaadan doona qafiifinta duufaanada Siyaasadeed dhinacyo badan kaga kacsan dowlada.

Sidoo kale, Ilo wareedyo hoose ayaa soo warinaaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif ay wada qaban doonaan kulan ay uga hadlayaan xaalada dalka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Si kastaba ha ahaatee, imaanshiyaha Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay dhexda kaga jirto mowjado kacsoon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com