25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawiro: Qarax weyn oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – wararka hadda igana soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu qarax weyn ka dhacay kaasoo laga maqlay inta badan Magaalada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in baabuur qarax lagu soo xiray lagu qarxiyey meel ku dhow Hotel Wehliye, inkastoo aan weli si rasmi ah loo hubin in lala beegsaday Hotelka iyo haddii kale, sidoo kalana waxaa jiro warar sheegayo in qaraxaas lala eegtay Maqaayad halkaas ku taal.

Qaraxaan ayaa wuxuu dhibaato badan gaarsiiyey Maqaayad halkaas ku taalo oo lagu magacaabo Xadar Mood, waxaana lasoo sheegayaa inuu halkaas ka dhacday dhimasho iyo dhaawac badan.

Sida dab goob joogayaal ah noo xaqiijiyeen qarxaan ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac badan, waxayna Baabuurta gargarka bilaabeen inay soo daad gureeyaan dhawacyada.

Qaraxaan ayaa ahaa mid xoog badan waxaana loo adeegsaday baabuur, welina kalama caddo haddii uu naftii hore waday iyo haddii uu ahaa mid lasoo dhigay halka uu qaraxa ka dhacay.

Hotel Wehliye ayaa wuxuu ku yaalaa inta u dhaxeyso isgoysyada dabka iyo Sayidka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

 

- Advertisement -

Read more

Local News