26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Dal uu khilaaf kala dhexeeyay DF oo dhaqaale xoogan ku bixisay taageerida Somalia (Cadadka)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa loogu deeqay dhaqaale xoogan oo lagu biirinaayo lacagaha ay dowladu ku hormarineyso dalka.

Lacagtan ayaa waxaa dowlada ku deeqay Sanduuqa hormarinta Abu Dubai oo shaaciyay in Somalia uu siinayo lacag dhan AED330 Million oo u dhiganta $89.8 million.

Maamulka Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ayaa sheegay in ujeedka lacagtaasi ay tahay mid looga qeybqaadanayo hormarka ka socda Somalia.

Lacagahan ayaa waxaa si gaara loogu bixin doonaa dhismayaasha, kor u qaadida dhaqaalaha, beeraha, amniga, caafimaadka, biyaha iyo waxyaabo kale.

Maamulka Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ayaa sidoo kale, sheegay inay laba jibaari doonaan taageerada ay la garabtaagan yihiin dowlada Somalia.

Talaabada uu Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ku bixiyay dhaqaalaha xoogan ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Imaaraadka carabta ay weli ku howlan tahay qaababka ay DFuga dhaadhicin laheyd ku biirida xulafada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News