27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Maxaa kusoo kordhay weerarkii lagu qaaday gaariga ay la socdeen taliyaha NISA ee…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen maleeshiyaad hubeysnaa ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Isgoyska Xoosh Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxaana gaariga la weeraray la socday Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda Maxamuud Qooley.

Taliyaha Nabad sugida ayaa xiliga la weeraraaya ku guda jiray shaqooyinkiisa, iyadoo weerarka uu markii hore Taliyaha kasoo gaaray dhaawac balse markii danbe uu ku dhintay Isbitaal madiina.

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in Taliyaha NISA degmada Kaxda iyo mid kamid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen isbitaalka, halka Askari kale oo isna la socday uu soo gaaray dhaawac.

Dableydii ka dambeysay falka lagu beegsaday Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda ayaa ka baxsaday goobtii ay weerarka ka gaysteen, waxaana ay wateen gaari NOAH ah oo ay ku baxsadeen.

Weerarka loo adeegsanaayo gaadiidka leysku hor jaro ayaa bishan kusii badanaaya magaalada Muqdisho, waxaa ilaa iyo hadda dhacay 5 weerar oo loo adeegsaday gaari.

Dhinaca kale, bishan gudaheeda dilal qorsheysan iyo weeraro kala duwan ayaa ka dhacay Degmada Dharkeenley.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News