Sawirro: Lacago been abuur lagu qariyay Fuustooyin oo u gacan galay ciidamada amaanka

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaa lagu qabtay gaari nooca raaxada oo siday lacago Sh/So oo been abuur ah.

Lacagahan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Ammaanka maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa ka howlgala Kontaroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso.

Lacagahan oo aad u farabadan ayaa lagu soo riseeyay Fuustooyin, waxa ayna ciidamada Booliska ku guuleysteen in ay qabtaan Gaarigaasi iyo sidoo kale dadkii saarnaa.

Sidoo kale, taliyaha Ciidamada Booliska Boosaaso ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen Gaadiid waday fuustooyinka Afka laga alxamay oo ay ku jirto Lacagta been abuur ah ee ku socotay suuqyada Boosaaso.