Dabageed: Maamul aan HirShabeelle ahayn kama shaqeyn karo Hiiraan iyo Sh/dhexe

Jowhar (Caasimadda Online) – Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka mid ahaa Musharrixiinta shalay ka qeyb gashay doorashadii Madaxweyne ee Maamulka Hirshabelle ayaa u Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaas Dr Maxamed Cabdi Waare .

Waxaana uu sheegay in  uu la shaqeyn doono isagoona sidoo kale ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta iyo qeybaha Bulshada Maamulkaasi in ay la shaqeeyaan.

Dhinaca kale Yuusuf Dabageed oo ka hadlayay warar ku aadan in Maamul ka madax banaan Hirshabelle looga dhawaaqay Magaalada Baladweyne ayaa midaas gaashaanka u daruuray isagoo tilmaamay in Maamul aan ahayn Hirshabelle aan looga dhawaaqi Karin  Magaalada Baladweyne.

Mr Dabageed ayaa ku tilmaamay shaqsiyaadka hor boodaya wararka sheegaya in Maamul kale looga dhawaaqayo Gobolka Hiiraan ay yihiin Jufo yar balse dhammaan dadka degan Gobolka Hiiraan ay ku mideysan yihiin Maamulka Hirshabelle.

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa shalay u doortay Madaxweynaha Maamulkaas Dr Maxamed Cabdi Waare oo indhawaanahaan Loo saadaalinayay Hoggaanka Maamulkaas.