28 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Ma tahay in DF Somalia ay ka hadasho xasuuqii Soomaalida ee Hawadaay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa weli socda colaado u dhexeeya Soomaalida Ethiopia iyo Qowmiyadda Oromada ee dalkaasi degta.

Colaadaha u dhexeeya labada dhinac ee dhiiga ku daatay ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia.

Xildhibaan Dalxa ayaa nasiib darro ku sheegay in xasuuqa foosha xun ee lagu hayo Soomaalida Ethiopia ay ka aamusto dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay ka dhiidhiso xasuuqa socda waxa uuna cadeeyay in dadka degan dhulka Jigjiga ay yihiin Soomaali.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in xasuuqa ay Oromadu ku heyso Soomaalida kililka ay mas’uuliyad ka saaran tahay xukuumada Somalia, maadaama dadkaasi aysan ku go’in sharci sax ah.

Waxa uu Xildhibaan Dalxa soo jeediyay in xukuumada Somalia laga doonaayo in dowlada Ethiopia ay kala hadasho xasuuqa, si loo muujiyo kalsoonida Soomaalida maadaama ay mas’uul ka tahay.

Dalxa oo arrintaa ka hadlaayay ayaa yiri ”Wax ka badan boqol qof ayaa la dilay tiro kalane nolal iyo geeri meel laguma sheego, waxaan ku baaqayaa in ay Xukumadda hurdada ka kacdo oo ay la xariirto dowladda Ethiopia sidii loo badbaadin lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee la laynaayo”

Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar in uu Dowladda Faderalka ee Dalka Ethiopia kala hadlo sidii loo baajin lahaa weerarada Shacabka Soomaalida ee ku nool Dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan oo ka soo kala jeeda Guud ahaan dhulka Soomaaliya ayaa lagu laayay Gobalo ka mid ah Dalka Ethiopia oo ay ka mid tahay Gobalka Hawadaay oo dad badan lagu laayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News