24.9 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Xog: Shuruudaha lagu xuli doono 32,000 askari oo ay DF u diyaarineyso isku dhafka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia Gen. C/xakiin Daahir Saciid ”Saacid”, ayaa ka hadlay hanaanka lagu soo xuli doono ciidamada isku dhafka ah ee laga soo dhex xuli doono Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa sheegay in Wasiirka amniga uu hoosta ka xariiqay in ciidamada isku dhafka ah la gaarsiin doono 32,000 oo la qorsheynaayo in amniga ay kala wareegi doonaan AMISOM.

Taliyaha waxa uu qiray inay adkaan doonto in la helo ciidamada ay tiradoodu ku xusan tahay kor balse waxa uu cadeeyay in loo baahan doono tirro cusub oo gadaal laga soo qori doono.

”Waxaan ku hormari doonaa diyaarinta tirada aan hadda gacanta ku heyno, haddii ay dhacdo inay nagu yaraato tirada waxaan qaadan doonaa kuwo cusub si aanu u gaarno tirada saxda ah ee loo baahan yahay”

Taliyaha waxa uu sheegay in ciidamada kamid noqon doona isku dhafka lagu soo xuli doono ”Khibrad ciidan, Sabar, Karti, Aqoon iyo heerka uu askariga ka gaarsiisan yahay Qadiyada difaaca dalka”.

Taliyaha Booliska ayaa carab dhabay inay adkaan doonto in ciidamada lagu biiriyo kuwa aan laheyn anshaxa iyo kuwa aan u dulqaadan karin duruufaha ka jira dalka.

Dhinaca kale, Taliyaha Booliska ayaa ballanqaaday inuu diyaarin doono ciidamo xul ah oo uu sheegay inay u qalmaan difaaca dalka iyo buuxinta shuruudaha xulka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News