Soomaaliya: WhatsApp iyo qabyaalad maxaa kala haysta (Sheeko yaab leh)

Wixii ka danbeeyay 1990 kii, guud ahaan adduunka, gaar ahaan Soomaaliya waxaa ku soo batay farsamooyinka casriga ah ama Teknoolojiyadda. Waxa ina soo gaaray mareegta way nee World Wide Web (WWW) ee qadka internetka.

Intaa wixii ka danbeeyay, maalinba malinta ka danbeysa wax cusub baa ku soo kordhayay.

Markii la soo gaaray 2000, waxaa soo baxay waxa loo yaqanoo, warbahinta ama baraha bulshada (Social media).

Waxaa ka mid ah Messenger, Facebook, Twitter, Instagram, Skype, WhatsApp IWM.

Nooc kasta oo ka mid ah aaladahaas, waxaa la soo kor dhayay horumar iyo fududeyn xagga is gaarsiinta ah.

Waxa ay ku bilaabatay kuwa wata qoraal oo kali ah. Waxaa xigay kuwa wata cod, fidiyow iyo ugu danbeyn maqal iyo muuqaal toos ah. Aaladaha qaar ayaa leh hab ka koox (groups) oo shirar ka iyo xiriirada kale ku fiican, sida WhatsApp oo uu qoral kan ka hadli doono.

Dunidu siyaaba badan ayeey uga faìdday, iyadoo loo adegsaday xiriirka qoysas ka, kooxaha iyo shirkadaha. Waxaa la helay xiir fudud oo qiima jaban.

Soomaalidu intaa an kor ku sheegnay ka so koow, baraha bulshada, gaar ahaah WhatsApp-ka waxay u adeegsataa qaab kale. Horumar ka bulsha kasta waxa ay ku dbaqdaa dhaqan keeda.

WhatsApp iyo qabyaalad maxaa kala haysta

Haddii aan u dhadhaco ujeedka qoraal kan gaaban. Soomaalida oo badanaa xiriirkedu ku salaysan yahay hayb ama qabiil, ayaa what sap-ka u adegsata qaab qabiil iyo ka sii hoos ama jufa.

Arintaan waxay ila tahay waxaa sii kiciyay ama dhiiri galiyay qaab ka ay Soomaalidu wax ku qaybsato ee afar iyo bar (4.5) ka & qaab dowladeed ay qadatay ee Federal-ka.

Faham ka Federal ka ayaa dadka Soomaaliyeed ku yar, Maadaama uu yahay nooc nagu cusub, si fiicanne aan dadweynaha loogu sharaxin.

Aqoon yahanada qaar waxa ay sheegeen in Sooomaalidu ay federalka u qaadatay qabiil kasta iyo xaafaddisa.

Haddii an u dhaadhaco u jeed ka faaladan gaaban. Bal aan soo qaato tusale, carabtu waxa ay    با لمثال يتضح المقال tiraa

Taa oo mac nahedu tahay tusale ayaa war lagu caddeyaa.

Badanaa waxa sameeya baraha bulshada, ee ay ku salaymaan beelahu dhalin yarada qurbaha.

Maadaama ay ay joogaan waddamo Tiknologidda ku hormaray, iyaguna ay ku fiican yihiin adeeg sigeeda.

Ujeeddoyinka loo sameeya way kala duawan yihiin, waxaa ka mid ah ama ugu weyn ee loo sameeya baraha WhatsAp-ka:-

  • Kala warqaadasho, kooxeed sida bee lama Jifo
  • Taa kulaynta dadka danta yar, waa qodabka ugu wanaagsan, xubnaha marka la casuumaane loo sheego.
  • In uu isku caan bixiyo qofka ama kooxda abuurtay bar kulanka “The Admin“ (Tan kor looma sheego) waa maamulka barta, waxa ayna maamulaan barta, ku darista, ka saarista xubnaha iyo jaan goynta hab dhaqanka & doodaha.
  • In si dadban loogu taageero, oday dhaqameed ama siyaasi.

Waa labada qodob ee u danbeeya & kuwa kale waxa badanaa sababa khilaafka iyo kala jabka bar-kulanada waawayn ee WhatsAp-ka.

Xukun acaylka Soomaalida iyo qabyaaladda oo lagu tilmaamo in ay sida basasha (Basasha haddi la fiiqo ma laha dhammaad ama laf ku celiso) ay tahay, ayaa keena in koox kasta oo wax isku raacda waayo ka dib ay u kala jabaan garabyo.

Dadka Soomaaliyeed arinka kala jabku kuma eka siyaasadda, ee waxa uu galay dhammaan nolasha qeybaheda kala duwan; oo ay ku jirto diinta.

Bar-kulanka ree Qansax (halkan waxa ku kulansan 5ta jufo ee beelweynta ree Qansax)

Kani waa tusaale, barta kobaad ee reer ka guud. Waxa lagu casuumaa inta badan dadka wax garadkaa, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada. Waxaa ugu horeya qurba joogta, siyasiga, aqonyahanka iyo dadka beesha caanka ka ah.

In yar ka dib, waa la isku qilaafaa, arima soo kordha iyo dano jifooyinka u dhaxeya awgeed. Kala jabku waxa uu dhacaa badanaa, xilliyada abaaraha, dorashoyinka (dowlad gobaledyada & midda dhexaba) iyo markasta oo ay beeshu xil hesho ama ay raadinayso.

Tala wadaagga ree Dhuxul Qansax

siyaasiga ku qaday saamigii beelwaynta Qanasax, ayaa abaabula dhalin yaro kana dhadhiciyo in la furo bar kulan aayaha jufada ree Dhuxul Qansax. Taas ayuu isku dayaa in uu halkaa ka abaabulo beesha inta mesha ku jirta, kuwa ka maqane sida odayasha fariin la gaarsiiyo. Maadaa ma Soomaalida war bahintu ay aad u sameyso, waxa laga yaabaa in uu ninkasi wax uun ku helo oo la ammusiy. Maalintaas yaa ugu danbeyso inuu ka soo muuqdo barkulanka. Ku kale ayaa ka xanaaqa halkaas oo dareemo in lagu meel gaaray qayladoodi, haddane halkii looga, isna tu cusub ayuu abaabulaa.

Waama dhamaato, sidii basashii an soo shegnay, ayaa la sii fiiqaa illaa la gaaro labo ilma adeer ah; laga tago oo la gaaro labada isku aabaha ah lakin kala hooyaadaa bah kasta ay mid furato.

Anigu waxa an ka mid ahay illaa dhawr iyo toban WhatsApp group, oo marka laga reebo kuwo kooxa shaqo, badankodu saa kore ku salaysan.

W/Q: Abdifatah Sheik Osman, Cilmi baare, Beledweyne
Wixi talo iyo tusaala aha la xiriir:-
Fitaaxsh1000@htmail.com