Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ku yeeshaan xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Guddoonka baarlamaanka ayaa fariimo qoraal ah u kala diray Xildhibaanada kuwaa oo maanta lagu wargaliyay inay soo gaaran xarunta.
Fariimaha loo kala diray Xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu furmi doono saacadu markey tahay afar saac oo subaxnimo.
Ajandaha kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ah Akhrinta koobaad ee heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya, Akhrinta koobaad Hindise Sharciyeedka Caafimaadka iyo Warbixinta Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka.
Sidoo kale, xildhibaanada ayaa sheegay in maanta la filaayo in baarlamaanka la horkeeno sharciyo kale oo muhiim ah.
Ciidamada Booliska ayaa sidii caadada aheyd waxa ay xireen wadada horumarta xarunta Golaha Shacabka, waxaana loo diidayaa inay halkaasi maraan gaadiidka rayidka iyo Mootooyinka Bajaajta.
Kulankan ayaa kusoo beegmaayo xili kulamadii ugu danbeeyay ay Xildhibaanadu wakhtiga ku dhameysteen kulamo aan mirro dhal laheyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

