Wararkii ugu danbeeyay dagaal beeleed ka dhacay Bariga Mudug

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Godod ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi wali ay ku dagaalamayaan Maleeshiyaad Xoolo dhaqato ah oo kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalkaasi , waxaa ka qeyb ka ah ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanaya Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Howlwadeena Caafimaadka gobolka Mudug ayaa Warbaahinta u sheegay in Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo lasoo gaarsiiyay dhaawacyo.

Waxgaradka iyo Guddiga Amniga gobolka Mudug ayaa wadda dadaallo kala duwan oo xabadda lagu joojinaayo.