28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xaaf oo Xabsi guri ka dhigay Ku-xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug & Xiisad ka dhalatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xabsi guri la dhigay Gudoomiyaha Baaralamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in laga dhigay Xabsi guri, waxa uuna tilmaamay in loo diiday inuu ka baxo Madaxtooyadda Maamulka Galmudug isaga iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiye Casir waxa uu sheegay in xiligii horaba uu ahaa mid degan Madaxtooyada balse iminka laga mamnuucay inuu banaanka uga baxo Madaxtooyada.

Waxa uu sheegay in amarkaasi uu soo saaray Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Guddoomiyaha oo sii wata hadalkiisa ayaa intaa ku daray in sidoo kale Xabsi guri laga dhigay Hogaamiye Ku-xigeenka Iyo Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Waxa uu Casir tilmaamay in dhamaantooda loo diiday inay sameeyan wax dhaqdhaqaaq ah, waxaana sidoo kale laga mamnuucay in si toosa ay uga hadlaan Teleefanada gacanka oo ay heystaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in halis uu ku jiro amaankooda marba haddii xabsi guri laga dhigay Seddexdii mas’uul ee ka hooseysay Hogaamiyaha maamulka.

Dhinaca kale, magaalada Cadaado ayaa waxaa laga dareemayaa xiisad ka dhalatay Xabsi guriga la dhigay Seddexda mas’uul.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News