29.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xog: Yaa ka dambeeyey xil ka qaadistii la sheegay in lagu sameeyey Xaaf?

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay xil ka qaadis ay xildhibaanada Galmudug qaarkood sheegeen inay ku sameeyeen madaxweyne Xaaf iyo cidda ka dambeysay.

Wararka ayaa sheegaya in arrintan uu ka dambeeyey musharixii hore ee madaxweynaha Galmudug Axmed Shariif.

Sida aan horey idinkugu sheegnay, Axmed Shariif oo horey looga guuleystay Doorashada Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Cadaado ka wado ololo uu ku doonayo inuu xilkaas ku fadhiisto isagoo u marayo hab aan sharci aheyn dastuurkana uusan qabin.

Axmed Shariif iyo Liiban Shuluq oo ahaa gacan hayihii Madaxweynihii hore ee Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Hotel ku yaal Magaalada Cadaado ku qabtay kulan ay isugu keeneen in ka yar 20 Xildhibaan kuwaas oo ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

Caasimadda Online oo la xiriirtay Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inuu Axmed Shariif Caawa isku dayey inuu talada maamulka Galmudug la wareego, sidaasna uu u abaabulay xildhibaanada.

Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas oo Caasimadda Online lasoo xiiray ayaa : “Axmed Shariif nin la yiraah ayaa caawa isku dayey inuu burburiyo maamulka Galmudug markii uu qol ku xirtay xildhibaano 17 ah” .

Axmed Shariif oo loolan adag la galay Xaaf ayaa howshaan soo bilaabay ilaa xilligii ay doorashada dhacday, wuxuuna garab ka heystaa dowladda Soomaaliya isagoo adeegsanayo lacag iyo Ciidamo wato ilaa 6 gaari oo kuwa dagaalka ah.

Caasimadda Online oo dabagal weyn ku sameysay tirada ay kala heli karaan labada dhinac ee Cadaado isku hayo ayaa soo ogaatay inuusan jirin hal garab oo heli karo 46 Xildhibaan oo ah tirada xilka looga qaadi karo Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa.

Ilaa 20 Xildhibaan oo ka tirsan Galmudug ayaa ka maqan Magaalada Cadaado, marka  laga reebo tirada guudna waxaan macquul aheyn inay labada dhinac helaan tiro gaareyso 46 midkoodna, maadaama Xildhibaanada ay u kala jabeen laba dhinac kuwa taageersan Xaaf iyo kuwa kasoo horjeedo.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga baahan yahay inay arrintaan xal ka gaarto, isla markaasna ay ka fogaato inay qaado tallaabo dadkaas walaalaha ah iska hor keeni karo, wax kastana lagu dhameeyo wadahadal iyo miiska korkiisa intii dhinac lala safan lahaa sida ay sheegeen Odayaasha dhaqanka Habargidir oo maanta kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

 

- Advertisement -

Read more

Local News