Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana hoggaaminayey guddoomiye ku xigeena 1-aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)
Wafdiga tagay Cadaado ayaa waxaa hogaaminaya guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, waxaana sidoo kale ka mid ah tiro kale oo xildhibaanno ah oo dhamaantood laga soo doorto deegaannada Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay kulamo gaar gaar la qaadan doonaan dhinacyada kala duwan, ayna ka dhageysan doonaan tabashadooda iyo waxa ay qabaan.
Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, iyadoo war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray go’aanka Xildhibaanada Galmudug.
Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in xilka laga qaaday, isagoo xusay in toban xildhibaan oo meel isugu timid aanay xilka ka qaadi karin, isla markaana dastuurka Galmudug uu dhigayo in muddo lix bilood mooshin laga keeni karin Madaxweynaha, maadaama uu isaga xafiiska joogo kaliya 4 bilood.


