11 Xildhibaan oo kasoo baxsaday Cadaado oo ay Ahlu Sunna ku qabteen Magaalada Dhuusa Mareeb

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Dhuusa Mareeb ee Maamulka Ahlu Sunna ayaa sheegayo in halkaas lagu xiray 11 xildhibaan oo kasoo jeedo Galmudug kuwaas oo kasoo baxsaday Magaalada Cadaado.

Xildhibaanadaan ayaa kamid ahaa kuwii xalay ku dhawaaqay inay Xaaf xilka ka qaadeen, waxaana la sheegay inay lasoo baxsadeen lacago ay Xalay soo qaateen.

Waxay soo aadeen Magaalada DHuusa Mareeb ee Maamulka Ahlu Sunna, waxaana Xildhibaanadaas hoggaaminayey wiilka uu dhahay GUddoomyihii ee Dhuusa Mareeb ee Dowladda Yuusuf Xildhibaan Mooge Yuusuf Goobe.

Sidoo kale waxaa XIldhibaanadaas kamid ahaa Xildhibaan Dhagaweyne iyo Xildhibaano Mire.

Sida xogta aan ku heleyno laba kamid ah Xildhibanaadaas ayaa kasoo jeedo deegaan ahaan Cabudwaaq halka laba kale ay kasoo jeedaan Beesha Madhibaan.

Wararka qaar ayaa sheegayo in XIldhibaanaas lasii daayey saacado oo ay ku xirnaayeen Dhuusa Mareeb kadib inkastoo aan la weli la hubin sii deentooda.

Xildhibanadaan ayaa la sheegay in lagu sii daayey Damiin, maadaama XIldhibaanka hoggaaminayey uu asal ahaan kasoo jeedo Guriceel isla markaasna aabihiis uu ahaan jiray Guddoomiye.

Waxaa la sheegay inuu hadda wadadal u socdo Xildhibanadaas iyo Maamulka Ahlu Sunna, Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa