4-xildhibaan iyo 2 wasiiru-dowle oo loo adeegsanayo bur burinta Gal-Mudug

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gal-Mudug ayaa ku jirta xaalad siyaaasadeed oo qasan, dood la’aan Dowladda dhexe ee Somalia ayaa dumineysa maamul la og yahay dhibka loo maray dhismihiisa iyadoo adeegsaneysa xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda deegankaas.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa lacag dhan 2 milion oo dollar ku wareejiyay Afar xildhibaan iyo labo wasiiru-dowle oo kasoo jeeda Gal-Mudug si Xaaf iyo xulafadiisa loo tir tiro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan u sheegay odayaal reer Gal-Mudug ah inuusan ku qanacsaneyn joogitaanka Xaaf ee Gal-Mudug uuna doonayo inuu xilkaas qaato Axmed Shariif Cali Hiliowle.

SenetorYuusuf Geele Ugaas (Dhagey), Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhag Dheer), Xildhibaan Siciid Nuur Garish, Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow, Wasiiru-dowlaha arimaha gudaha iyo federaalka C/laahi Faarax Weheliye iyo wasiiru dowlaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa loo dhibay shaxdda lagu bur burinaayo Gal-Mudug iyo qaraashaadka intaba.

Lama yaqaano sababta Ra’iisul wasaare Kheyre oo boos Hawiye ku fadhiya hadana loogu isticmaalayo maalin walba bur burinta Gal-Mudug iyo Hirshabeele. In xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre wax qurbudaayo waxaa cadeyn kuugu filan sidii xalay ay shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaruhu ugu ceeboobeen warkii been abuurka ah ee Cadaado ka yimid ilaa ay gaartay in lagu amray iney tir tiraan qoraladaas.

Dagaalka ayaa adkaaday markii xildhibaanada kale iyo senetorada kasoo jeedda Gal-Mudug ay si buuxda uga hor yimaadeen shirqoolkan, sidoo kale madaxweyne Xaaf ayaa shacabka Gal-Mudug u sheegay afartaas xildhibaan iyo labada wasiiru dowle ee bur burinta loo isticmaalaayo.

$500,000  (Shan boqol oo kun oo dollar ) oo ka mid ah lacagta uu bixiyay Kheyre ayaa gaartay Cadaado galinkii dambe ee shalay taas oo xalay keentay in 17 xildhibaan ay guriga Qoor Qoor isugu tagaan oo ay sheegaan iney xilkii ka qaadeen Xaaf taas oo dib kala xumaatay ragii kaartaadaas dagay.

Xildhibanadii ka shaqeynaayay shirqoolkan ayaa la soo warinaya iney hadda xaaladdu aad ugu xumaatay kadib markii ay ka hor yimaadeen shacabka Gal-Mudug.