26.1 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Jeneraal ka tirsan ciidamada milateriga oo ka bad baaday qarax miino

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho, qarax khasaare gaystay ayaa lala eegtay Sarkaal ka tirsan ciidamada Militariga Somaliya.

Sarkaalka qaraxa lala eegtaya ayaa ah Taliyaha Guutada Saddexaad Ciidamada Militariga Somaliya, wuxuuna maraayay xilliga qaraxa lala beegsanaayay inta u dhaxeysa deegaanka Tareedisho iyo deegaanka Garasbaaley, waxaana qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.

Gaariga uu la socday Jeneraalka ayaa la sheegay inuu soo gaaray waxyeelo, iyadoo goobta lagu qarxiyay ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Milateriga, kuwaasoo qaaday dhaawacyadii askarta.

Jen. Laba Afle ayaa ka mid ahaa Saraakiishii dhowaan lacag magdhaw gaarsiiyay qoysaska dadkii ku dhintay dagaal ciidamo ka tirsan dowladda ku dhex maray Xaafada Haanta Dheer ee degmada Dayniile.

C/laahi Gaambure oo ka mid ah Maamulka deegaanka Garasbaaley, ayaa u sheegay Warbaahinta Risaala in ciidan saarnaa gaari Cabdi Bile ah qaraxaasi ay ku dhaawacmeen, balse uusan jirin khasaare kale oo ka dhashay qaraxa.

Ciidankii qaraxa ku dhaawacmay, ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaalka qaraxa lala eegtay oo lagu magacaabo Aadan Laba Afle ayaa ah Taliyaha Guutada Saddexaad ee ciidanka Xoogga dalka Somaliya, wuxuuna Sarkaalkaan laba Afle la dhashay General Goobaale oo qarax Ismiidaamin lagu dilay Sanad ka hor.

- Advertisement -

Read more

Local News