24.8 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Shariif Xasan oo qarka saaran iyo xildhibaanada kasoo horjeeda oo gaaray…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya Xildhibaanada ku midoobeysa mooshinka xil ka qaadista Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada ugu badan ee ku midoobay Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan ayaa ku kala sugan magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabelaha Hoose.

Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay sii kordhayaan Xildhibaanada Mooshinka kawada Shariif Xasan.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka inay u midoobeen sidii ay xilka kaga qaadi lahaayeen Hogaamiyaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Dhubad, ayaa intaa raaciyay in Mooshinkan uu ka duwan yahay kuwii hore isla markaana uu xilka ku weyn doono Shariif Xasan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay qaateen Go’aan adag oo ah in xilka laga qaado Hogaamiye Shariif Xasan.

Sidoo kale, Xildhibaan Dhubad ayaa sheegay in 16-Ka Bishaan kulanka Baarlamaanka uu ku furmi doono Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan, waxa uuna tilmaamay in dhawaan ay tagi doonaan magaalada Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee, Mooshinkan ayaa kusoo beegmaaya xili maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo ay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay wadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News