25.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

QM oo Sacuudiga iyo Imaaraadka ku dareysa liiska madow + Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyay wargeysyada caalamka Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa qorsheysay in liiska Madow ee Hay’adda lagu biiriyo Isbahaysiga Militeriga oo ay hogaamineyso Sacuudiga.

Hay’adda QM ayaa Isbaheysiga Sacuudiga ku eedeysay inay tacadi kawado dalka Yemen, isla markaana u adeegsadaan Hubka halista ah.

QM ayaa isbaheysiga ku dhaliishay inay xasuuqen kumanaan qoys oo u badan carruur kuwaa oo badi kasoo jeeda dalka Yemen, gaar ahaan Gobolada ay duqeynta ka geysteen diyaaradaha Isbaheysiga.

Waxaa eedeynta QM lagu sheegay in duqeynta Isbahaysiga Sacuudiga lagu dilay 883 carruur ah, isla markaana la beegsaday duqeymo loo geystay Dugsiyo iyo Isbirtaalo sannadkii la soo dhaafay, halka xasuuqa Hooyooyinka iyo Aabayaasha ay kor u dhaafeyso tirada kor ku xusan.

QM ayaa sidoo kale sheegtay in liiska Madow lagu daray Kooxda Xuutiyiinta, Maleeshiyadda taageersan Dowladda Yemen iyo kuwa Kooxda Alqaacidada Gacanka Carbeed, kuwaasi oo la sheegay inay tacadiyo u geysteen carruurta ku nool Yemen sannadihii 2015-kii iyo 2016-kii.

Qorshahaan ayaa la filayaa inuu ansixiyo Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres, iyadoo ay Golaha Amaanka ee QM lagu wado inay bishan October 31-dii ka doodaan Warbixintaasi.

Dhinaca kale, diyaaradaha dagaalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa duqeymo aan loo meel dayin ka geysta dalka Yemen, gaar ahaan Gobolada ay ku sugan yihiin Kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News