Sawirro: Muqdisho oo ay kusii kordhayaan goobo cajiib ah (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaaya goobaha gaadiidka lagu sugo ee ku yaalla hareeraha waddooyinka.

Goobahaani oo aad u quruxbadan ayaa waxaa gaadiidka BL-ka ku suga dadka shacabka ah, waxa ayna inta badan ku yaalan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Maamulka Degmada Hodan ayaa iminka hirgeliyay goobahaani cusub taasi oo laga dhisay wadada Maka Al-Mukarama laamiga dhinaciisa.

Xaruntan oo ah Bostooje Bus Stop ayaa dadka waxa ay u suuragelinaysa inay ku sii nastaan inta ay sugayaan gaadiidka dadweynaha, waxaana inbadan ka mahadiyay dadka shacabka ah.

Sidoo kale, Maamulka Degmada Hodan ayaa sheegay inay sii wadayaan dhismooyinka goobaha nasiinka ee laga hirgaliyo hareeraha waddooyinka.

Intabadan dalalka horumaray ayaa aad u isticmaala dhismooyinkaan quruxda badan ee lagu sugo gaadiidka shacabka.