Fadlan Madaxweyne Garsoorka Dalka Wax ka qabo

Mudane Madaxweyne Maxamed Cabduulaahi Maxamed  Farmaajo  waxaan ka mid ahay Shacabka Soomaaliyeed sida Xamaasada leh kuu soo dhaweeyey islamrkaana kuu muujiyay Taageerada Xoogan  iyo Dhiirri galinta,Ilaahay hakaa dhigo midkii Daweyn-lahaa Dhaawaca iyo Uur ku taallada Shacabkaaga haysta muddada Dheer  oo isugu darsameen Colaad, Abaar iyo Cudur

Mudane Madaxweyne Hogaankaada hore ayaan u soo aragney waxaana nagu filan sidaa u kasbatey Shacabka Soomaaliyeed  Lixda Bilood aad Wadankaa Raiisul Wasaare ka ahayd,hadaan dib u Milicsanno Taariikh Nololeedkaagi & Tar-tankaagi Madaxtinimo, Dhiig Soomaaliyeed ma aadan Daadinin adoo Kursi doon ah,Waxaana Xaqiiqo ah in Taariikdaada ay tahay mid aad u wanaagsan oo Nadiif

Mudane Madaxweyne Xoolo Ummadi leedahay iyo Xaq Muslim intaad Aruursattay Madaxweyne kuma aadan noqonin,Dawlada Shisheeye iyo Ajnabi Dibad kaasoo Abaabulay ma jiro, waxaa kursiga ku heshey taageerrada Shacabka Soomaaliyeed oo qaba in aad ku hagaamisid Cadaalad iyo Horumar Maadaama  ay hore u arkeen Daahfurnaataada Dowladnimo

Mudane Madaxweyne Intaa aan soo sheegay iyo ino kale markii la isku daro waxaa Shacabka Soomaaliyeed iyo adigaba kuu caddaynayaa,Qaddarka iyo Xukunka Rabbigeen ayaad Madaxweyne ku noqotay,waxaad ku soo aaday Xilligii aad bad-baadin lahayd Umadaada, oo Haysata Amni Xumo, Garsoor la’aan, Dhaqaale Xumo

Mudane Madaxweyne Sidaa darteed waxaan kaaga digaayaa in lagaa hor istaago ama lagaa marin habaabiyo Maslaxadda guud ee Dalkaaga iyo Dadkaaga,iyo wax u qabashada  qaybaha kala duwan ee Shacabkaaga, waxaan kaaga digaayaa inaad Kooxo  kuugu manna sheegta inay Madaxweyne kaa dhigeen isku keli yeesho Fikirkooda gaarka u ah maadaama ay horey ugu fashilmeen kuwii kaa horeeyey oo isku koobey  shaqsiyaad dano gaar ah wata

Mudane Madaxweyne inta aana u galin Dulucada Qormadayda waxaan rabaa inaan is weydiinno Su,aalo dhowr ah iyo Jawaabahooda, si aan  farta ugu wada fiiqno dhinaca uu naga jiro Xalka iyo wadada ugu sahlan ee loo mari karo:gaar ahaan Garsoor Cadaalad ah oo dalkaan ka hana qaada kaa oo aan ogahay in aad u liito marayana in maalin waliba dad Soomaaliyeed Xaqooqda lagu duudsiiyo

Mudane Madaxweyne Amni la isku Mushquuliyo waxaa ka hooreeya  Garsoor  Cadaalad  waxaana la yiri “ Hadii Guri la dhisayo waa in Aas –aaska laga bilaabaa” marka Aas Aaska waa  Garsoor Cadaalada ah taasoo marka la helo laga shaqeyn karo  Amniga , Mudane Madaxweyne Amaan iyo kala dambayn inoo taaba gashaa inaysan jiri doonin Haddii la waayo Garsoor hufan iyo Cadaalad dulmiga lagu Xakameeyo, sidaa darteed Hawl-gal Ciidan oo joogta ah inaysan miro dhal noqon haduusan jirin Garsoor iyo Garsoorayaal la isku hallayn karo,islamarkaana Kasban kara Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed oo la Daa    la dhacaya Duruuufo kala duwan.

 Mudane Madaxweyne Waxaan Qaylo dhaan kaaga sidaa xaaladda Garsoorka dalka oo aan ogahay in weli wax isbedel ah uusan ku imaan, waxaan Rajeyneyney in talaabada koowaad oo aan Qalbiga ku hayney ay tahay  in aad isbedel ku sameyso Garsoorka dalka oo meeshii ugu hooseysey uu marayo. Soomaalida waxay tiraahdaa “Madax Meel ka sareysa oo la Salaaxo ma leh”Waxaa Xaqiiqo ah in aad Tahay Astaanka Dastuuri ah  oo Kulmisa Dhamaan Awoodaha Fulinta  Dalka ka jira

Mudane Madaxweyne Daah kaama saarna in Garsoorka Dalka uu yahay meesha laga eego Qaranka  sidaa Darteed shacabka Sooomaaliyeed  waa Meesha keliya oo ay Doonayaan in sid deg deg ah wax ugu qabatid, Waayo ma jirto Cid ka sareysa Sharciga ,Dowlad  aan garsoor Cadaalad ah  lahayn waligeedna Horumar ma gaarto

Mudane Madaxweyne Masuuliyiinta Sar-sare ee Gasoorka iyo Garsoorayaashaba waxaa lagu soo xulaa Shuruudo Adag oo waliba ugu horeysa Aqoonta midka Diiniga iyo kan maadiga ah    waana mida la doonayo in Garsoorka uu ka Madaxbanaanaado Eex, Laaluuysh, Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin  Taa badalkeedina la daboolo baahidiisa oo dhan, si uu u dhowro Cadaaladda iyo Xuquuqda shacabka iyo Qarankaba,

Mudane Madaxweyne  Dad Baa Guryahoodii Xoog  lagu haystaa , kuwaa Inta la dilley kii diley iska laafyoonaya, kuwaa Hantidoodii inta la dhacay lagu sii Macaashayaa , Kuwaa Inta Gabdhahoodii la kufsadeyt aan weli helin Garsoor Cadaalad ah, kuwa inta loo hanjabey Dalka isaga Cararey,waxaana Hubaal ah in dadkaa Dhibanayaasha ah aysan maanta awoodin in ay furtaan gal Dacwadeed maadaama lagu Xujeeyey Dhaqaale badan  dhamaan Xadgudubyadaas waxay Madaxweyne Tilmaamayaan sida uu weli u shaqeynin Garsoorkii dalka kaasoo aan dhihi karo waa meesha Keliya ee dadka Soomaaliyeed  si weyn ugu dulman yihiin mana garan karo sababta ilaa iyo Hadda aysan Dowlada wax ugu qaban la’dahay

Mudane Madaxweyne Gabagabadii Dowlado badan baa na soo marey mid waliba inta aan la dooranin avuu waxaa uu Shacabka u sheegaan in wax badan ka qaban doono Garsoorka, hase yeeshee maalinka la dooro ayaa ugu dambeysa wax ka qabashadii Garsoorka marka madaxweyne Bulshada Soomaaliyeed u sheeg Hadii aad raacdey Wadadii ay raaceen kuwii kaa hareeyey oo aan ogahay in ay ku Fashilmeen wax ka qabashada Garsoorka dalka  mise ma dooneysid in mar kale aad Dalkaan Madaxweyne ka noqoto

Mahadsanid Madaxweyne
Sh Cumar Xasan Gurey
E-Mail gure114@gmail.com