Jawaari oo soo jeediyay in Axmed Madoobe 2 arrin looga daydo

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay waxyaabaha uu ku amaanan yahay maamulka Jubbaland.

Jawaari ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka nabdoon tahay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka kuwaa oo uu sheegay inuu kusoo maray socdaalo is xigxigay.

Waxa uu sheegay inuu soo jeedinaayo in maamulka Jubbaland lagu daydo, maadaama uu yiri aanu ka jirin amni darro muuqata.

”Anigu waxaan soo jeedinayaa in lagu daydo Jubbaland oo laga qaato khibrada lagu nabadeeyay deegaanada maamulka”

Waxa uu Jawaari sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka uu ku wargalin doono in maamulada heysta nabadda laga kororsado wixii khuseeya amniga iyo xasiloonida, sida uu yiri.

Guddoomiye Jawaari oo ka hadlaayay xaalada amni ee ka jirta magaalada Kismaayo ayaa soo jeediyay laba qodob oo kala ah:

1-In maamulada ka jira dalka laga dhageysto waxyaabaha u sahlay inay ku nabadeeyaan deegaanada maamulkooda.

2-In Hay’adaha amniga iyo Maamul Goboleedyada ay kawada shaqeeyan amniga iyadoo leys weydaarsanaayo khibradaha amni, waxa uuna soo jeediyay in Jubbaland lala kaashado howlaha ceynkaa ah.

Jawaari ayaa sheegay in caasimadaha ka jira dalka ay badi yihiin kuwo nabdoon waxa uuna amaan gaara usoo jeediyay Hogaamiyayaasha maamulada iyo ciidamadooda.

Geesta kale, Guddoomiye Jawaari ayaa carab dhabay in baarlamaanka Somalia uu si gaara u garab istaagi doono maamulada si ay u dhameystirtaan waxyaabaha qabyada u ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com