Xog: Kiisaska la rabo in xilka looga qaado Shariif Xasan oo sii kordhaya

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa lagu eedeeyay inuu musuqay dhaqaalihii ku jiray keydka maamulka.

Xildhibaanada maamulka ayaa Shariif Xasan ku eedeeyay in dhaqaalahaasi uu ku bixiyay dano gaara, isla markaana aanu jirin cid uu uga faa’iideeyay.

Cibaado Cabdi Cali oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo u warameysay idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in lacagtaasi uu ku weyn doono xilkiisa.

Waxa ay tilmaantay in dhaqaalahaasi badankii uu maamulka kasoo galay dhanka canshuurta, balse loo bixiyay qaabab khaldan oo aanu ku jirin maslaxada maamulka, sida ay hadalka u dhigtay.

Xildhibaanada waxa ay tilmaantay in aan waxba loogu qaban Canshuurahaasi shacabka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, xili ay sii kordheyso baahiyaha ka jira deegaanada maamulka.

Sidoo kale, Xil. Cibaado Cabdi Cali ayaa carab dhawday in Mooshinka ujeedkiisa ugu weyn uu yahay mid looga jawaabayo musuqa iyo ku tagri falka Hantida maamulka.

Haddalka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaaya xili deegaanada maamulka aad looga hadal hayo Mooshinka iyo eedeymaha ka dhanka ah Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com