Taliyaha ciidamada Villa Somalia oo soo saaray digniin adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Guutada 60-aad ee Ciidamada Madaxtooyada Somalia Axmed Maxamed Cali (Afcadeeye), ayaa digniin culus u kala diray dhammaan ilaalada Madaxtooyada Somalia.

Afcadeeye, ayaa ciidamada ku amray inay ka feejignaadan xadgudub ay ku sameeyan Wasiirada, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo Howlwadeenada ka howlgala Madaxtooyada oo qaarkood aanu helin xushmad.

Afcadeeye, ayaa ciidamada Madaxtooyada ugu baaqay iney muujiyaan asluub wanaag iyo dulqaad marka ay shaqada ku jiraan, waxa uuna tilmaamay inay jiraan cabashooyin kasoo yeeraya mas’uuliyiinta qaar.

Waxa uu Afcadeeye ciidamada qaar ku dhaliilay inay ka weecdeen asluub wanaaga ay kula dhaqmayaan madaxda usoo booqasho tagta Madaxtooyada Somalia.

Waxa uu sheegay in sidoo kale Ciidamada loogu baahan yahay iney si degan u dhageystaan qeybaha kala duwan ee bulshada marka ay arrin ka soo yeeshaan Madaxtooyada, ka hor inta aysan faquuq kula dhaqmin amaba aysan eryin.

La dhaqanka madaxda ayuu sheegay inaysan ka turjumeynin inaan la baarin gaadiidkooda iyo sifaha ay ku galayaan Xarunta, balse la doonaayo keliya in ciidamada ay ka helaan xushmad iyo degnaan.

Dhinaca kale, Ciidamada Madaxtooyada ayuu ugu baaqay inay adkeeyan amniga Xarunta isla markaana ay baaritaan mariyaan dhammaan dhinacyada muraadka ka leh Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com