Ethiopia oo heshiis muhiim ahaa uga baxday Jabuuti iyo xaalka oo ku xun

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay ka baxday heshiis ay Sanadkii 2015kii kala saxiixdeen dowladda Jabuuti kaas oo qorayay in Itoobiya ay dhisto dhuun shidaalka qaadda oo Dalka Itoobiya geysa noocyada kala duwan ee shidaalka.

Masaafada Dhuunta shidaalka ayaa lagu sheegay in ay gaareyso 550KM, waxaana dowladda Itoobiya sheegeysaa in ay u joojisay dhaqaale xumo darteed.

the Reporter. oo ka soo baxa  Dalka  Itoobiya ayaa  sheegay in uu wareystay sarkaal ka tirsan Dowladda Itoobiya una sheegay in dowladda aysan bixin karin lacag ka badan $1.5 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Sarkaalkaas oo aan maaciisa la shaacin ayaa  sheegay in dowladda Itoobiya ay dhameystirtay dhismaha Waddada Tareenka ee Jabuuti iyo Itoobiya,waxaana ay sheegtay in beddelka kaalinka shidaalka ay Tareenka adeegsan doonto.

Dhismaha Waddada Tareenka ayuu sheegay in ay ku baxday $4 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,kaas oo badeecadaha kala duwan ka soo qaadaya dekadaha dalka Jabuuti geynayana Itoobiya.

Tareenkan ayaa waxaa uu qaadi doonaa shidaalka kala duwan sida diesel, gasoline iyo shidaalka diyaaradaha,waxaana uu xusay in dowladda Itoobiya go’aansatay kordhinta adeegsiga Tareenka.

Shidaalka Itoobiya ay dibadda ka dhoofsato ayaa gaaraya 3.8 Milyan Mitirik tan,waxaana uu sanad kasta sare u kacayaa 10%,sida ay sheegtay warbixinta The Reporter.

Xilligan ka hor Itoobiya Shidaalka ay adeegsato waxaa ay Jabuuti kaga soo qaadanjirtay Gawaarida waaweyn,ilaa bartamaha Itoobiya waxaana ku bixi jiray qarash aad u farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com