Wadaad xusayay Dhalashada Nabi Muxamad NNKH oo Muqdisho lagu gowracay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fal-naxdin leh ayaa xalay ka dhacay Xaafadda Soonakey degmada Hodan ee gobalka Banaadir kadib markii koox hubeysan ay saqdii dhexe Gurigiisa ku dhax gowraceyn wiil dhalinyar ah sida ay noo sheegeyn dadka deegaanka.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegtay In la Gowracay Alle ha u naxariistee Axmed C/lle Axmed oo la sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyaro maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa Xuska dhalashada NNKH, waxayna arintaasi walaac ku beertay dadka deegaanka.

Marxuumka la gowracay ayaa da’diisa lagu qiyaasaa 25 jir ka tirsanaa dhalinyarada ugu fir fircoon xaafadda sidoo kale ka tirsanaa Culumada raacata barashada Cilmiga diiniga lamina oga cidda ka dambeysay falkaan walaaca ku beeray shacabka Muqdisho.

Haweeney ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay KNN ayaa Sidoo kale sheegtay in maydka Marxuumka loo qaaday Xarunta dambi baarista ee Booliska Soomaaliya “CID” waxaana ku socda Baaritaano la xariira falkaan dhacay waxay sidoo kale sheegtay hore xaafadooda loogu dilay wiil iyo aabihis ka tirsanaa dadka aad-ka loogu yaqaano Soonakey.

Sidaan oo kale ayaa warbaahinta Baraha Bulshada waxay soo bandhigayn muuqaalo muujinaya nin ay sheegeyn in uu xusayay Dhalashada Nabi Muxamed oo lagu gubay gurigiisa oo ku yaala Soomaaliland.

Sanad walba ayaa xiligaan oo kale loo dabaal dagaa Xuska Dhalashada Nabdi Muxamed NNKH waana bilaha ugu qiimaha badan ee Muslimiinta, bishaan ayaa si weyn loogu dabaal dagay Soomaaliya gaar ahaan muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com